DEG-DEG: Juventus Oo Dhamaystirtay Saxiixa Paul Pogba

40

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa ku biiray kooxda Juventus kadib markii uu qaab xor ah uga tagay kooxda Man United.

Juventus ayaa xaqiijisay in ay heshiis la gaadhay xiddiga khadka dhexe kaas oo noqon doona xiddig cusub ee Juventus ah.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay Juventus iyo Paul Pogba si Rasmi ah u heshiiyeen isla markaas uu xiddigu ku laaban doono kooxdiisii.

Juventus ayaa xaqiijisay in ay heshiis la gaadhay xiddiga khadka dhexe kaas oo noqon doona xiddig cusub ee Juventus ah.

Pogba ayaa Juventus ugu biiri doona qaab xor ah waxana haatan si Rasmi ah loo xaqiijiyay dhamaystirka xiddiga reer France ee Ku biirista Juventus.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda reer Italy.

Fabrizio Romano ayaa intaas ku daraya in uu Pogba maalmaha soo socda aadi doono Turin si Rasmi ah loogu soo bandhigo taageerayaasha kooxda Juventus.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here