Laascanood Radiohalgan

Ciidanka Somaliland ee kusugan Laascaanood ayaa goor dhaw toogtay Mohamud Ali Saadle oo ka mid ahaa shacabka magaaladaas, kaas oo qeyb ka noqonaya ficilada beegsiga shacabka oo ay wadeen maalmihii u dambeeyey.

Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal aan kula xariirnay khadka telfoonka, maadaama wali khadkii Internetka ee magaaladu xiran yahay.

Somaliland ayaa isku dayaysa wali in ay xoog kudamiso kacdoonka looga soo horjeedo, in ka badan 20 qof ayaa la dilay todobaadkan, kuwaas oo ahaa shacab dalbanayay in SL kabaxdo gobalka Sool.

Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay sheegay in dadku u dhinteen si kedis ah, taas oo cadeynaysa in uu ahays toogasho ay ciidankiisu sameeyeen.