Jalalaqsi(Radiohalgan.com)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo culus oo is barbar socday oo saacada hadda deegaanada Iji oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo weliba Mahadaay oo Shabeellada Dhexe.
Dagaaladaan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey iyo kooxda Al-shabaab, waxaana lasoo wariyay in wali socoto Duqmaha Deegaanka Iiji.
Maalmihii danbe waxa halkaas isku aruusanayay Kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab hase ahaate Caawa ayaa kor iyo hoos laga duqeeynaya saas waxa yiri Goobjooge ka tirsan Shacabka Deegaanka,Balse lama ogo qasaraha ka dhashay duqemahas is daba jooga ah.
Waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com