• Dowladda  Mareykanka ayaa sheegay iney duqeyn ku laayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab ka dib weerarkii Al-shabaab ku qaadeen shalay oo Jimce aheyd degaanka Galcad ee gobolka Galgaduud kaasoo lagu dilay taliye ku-xigeenka ciidanka Danab Xasan Tuure iyo askar kale.

“Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa Codsi ka yimid dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa qaaday weerar is-difaac ah oo wadajir ah Jan. 20 2023 kaasoo ka dhan ahaa Al-shabaab” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka rr AFRICOM.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 260 KM waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho, una dhow Galcad, halkaasoo ciidamada qaranka Soomaaliya ay ku qaadeen dagaal culus, kadib weerar kaga yimid badan qiyaastii 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Falalka is biirsaday ee ay qaadeen ciidamada huwanta ah ee goobta ku sugnaa iyo weerar is-difaac oo wadajir ah ayaa lagu qiyaasay in ay ka dhasheen saddex baabuur oo burburay iyo ku dhawaad soddon ka tirsan argagixisada al-Shabaab. Marka la eego goobta uu dagaalku ka dhacay oo fog, talisku waxa uu qiimeeyay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

 

 

Mareykanka ayaa ka mid ah dhowr waddan oo taageero siiya dowladda Federaalka Soomaaliya ololaha joogtada ah ee kooxda Al-shabaab.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay shalay iney dileen 100 ka tirsan Al-Shabaab ka dib markii kooxdaas ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada ku lahaayeen degaanka Galcad ee gobolka Galgaduud, Al-shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay iney laayeen 159 askari oo ka tirsan ciidanka dowlada

“Soomaaliya waxay weli udub dhexaad u tahay xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababarada, la-talinta iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah si ay gacan uga geystaan sidii loo siin lahaa agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab, oo ah shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.