Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo garabsanaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaa ka socda deegaanka Beer-xaanno oo dhaca Koonfurta Beledweyne.
Dagaalka ayaa billoowday kaddib markii ciidanka dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanka eey weerar ku qaadeen goob AS isku aruursanayeen taasi oo keentay in uu dagaalka qarxo.
Ciidan gurmad ah oo uu hoggaaminayo Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad aayna wehliyaan ciidanka Gorgor ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka socda.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijyay in in khasaare xooggan AS gaarsiiyeen aayna ka saareen deegaano aay kamid yihiin Beerxaano Tarashante Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Beledweyne kuna teedsan wabiga Shabeelle.