Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo AS ayaa ka biloowday deegaanka Ceelgorof oo degmada Wabxo ee gobolka Galgaduud ka tirsan.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xubno ka tirsan AS oo qorsheeynayay in weerar ku qaadaan deegaanka Goobo oo degmada Maxaas ka tirsan aay ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka u dib mareen taliskii AS ku lahaayeen deegaanka Ceelgorof.
Xubanahii ka tirsanaa AS oo ku fashilmay weerar aay doonayeen in aay ku qaadaan deegaanka Goobo oo damcay in aay dib ugu laabtaan fariisinkooda ku yaalatay deegaanka Ceelgorof ayaa la kulmay ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo taliskii AS gacanta ku haaya taasi oo keentay in uu qarxo dagaalka hadda socda.
Laba dhinac waxaa durba lasoo warinayaa in uu kala gaaray gurmad xooggan taasi oo dagaalka sii laba qarxin karta, mana la oga khasaraha Rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay.
Taatikada caawa aay adeegsadeen ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa ah mid nuuceeda Soomaaliya horay loogu arag, madama xubno AS ka tirsan oo weerar in aay qaadaan isku dayay loo dib maray taliskii aay weerarka kasoo qaadeen, Horjoogashada AS ayaana ka yaabay sida aay caawa wax uga socdaan Ceelgorof.