Dagaal culus ayaa saaka mar kale dib uga bilowday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, waxaana uu galay maalintii afaraad oo xiriir ah ayna dagaalamayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaannada SSC.
Dagaalka ayaa aroornimadii ka bilowday Taliska Guud ee ciidamada Somaliland ee ku sugan gobalka Sool “GOOJA-CADDE”, kaas oo qeybo kamid ah ay shalay burburiyeen ciidamada SSC oo madaafiic la dhacay.
Gurmad cusub ayaa saacadihii u dambeeyay gaaray Laascaanood, kuwaas garab u ah ciidamada deegaanka ee dagaalamaya, halka la jaray inta badan jidadkii muhiimka ahaa ee uu gurmadkii u soo mari jiray Ciidanka Somaliland.
Saddexdii maalin ee hore, dagaalkii dhacay ayaa geyste khasaare baaxad leh oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dadka rayidka ah, oo Somaliland ciidamadeedu la beegsadeen guryahooda, isbitaalada iyo masaajidada madaafiic.