Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo AS ayaa goordhow ka qarxay deegaanada Tabantaab iyo Maxamed Xasan oo Beledweyne hoostaga isla markaana dhaca Koonfurta Beledweyne.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka heleen xogta maleeshiyaad AS ka tirsan oo isku aruursanaya deegaanadaasi, taasi oo keentay in weerar aay qaadaan ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka.
Ciidamada isugu jira kuwa dowladda iyo ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo gurmad ah ayaa ku dhow deegaanada dagaalka uu ka socdo.
Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Diini Maxamed oo ku sugan goobta dagaalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in AS jab xooggan gaarsiiyeen dagaalkane uu socdo weli.