Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo AS oo ka socda deeganka Beer-xaano oo dhaca Koonfurta Beledweyne.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka xog ku heleen Maleeshiyaad ka tirsan AS oo isku aruursanaya deegaanka Beer-xaano.

Dagaal oo hub culus la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa deegaanno Beledweyne ku teedsan.

Ciidan gurmad ah oo Beledweyne ka baxay isla markaana uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Diini Maxamed ayaa gaaray goobta dagaalka.

AS ayaa khasaare xooggan lagu gaarsiiyay dagaalka hadda socda waxaana fashilmay qorshe aay doonayeen in Horjoogayaal ku gudbiyaan.