War goordhaw kusoo dhacay warqabadka shabakadda radiohalgan.com ayaa sheegaya in ciidanka kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab iyo Gorgor oo gacan ka helaya ciidamada deeegaanka goordhaw gudaha u galeen degmada Xarardheere.

Ciidamada huwanta ah ayaa wararku sheegayaan in dhoor jiho ka galeen degmada Xarardheere oo aheyd xaruntii ugu weyneed ee Al Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Mudug, waxa ayna ciidamada wadaan howlaglo miino baaris iyo ammaan xaqiijin.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa goordhaw xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka gudaha u galeen lana wareegeen degmada Xarardheere.

Howlgalkan ciidamada huwanta ah kula wareegeen degmada Xarardheere ayaa noqonaya guushii ugu weyneed oo Galmudug ka gaarto dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab,. waxaana degmadii ugu horeesay oo laga bixiyo gacanta Al Shabaab.

 

Waxii warar kusoo kordha kala soco wararkayaga Dambe Inbsha Allah