DEG-DEG: Barcelona Oo Man United Ka Diiday Dalabkii Cusbaa Ee Ay Ka Gudbisay Frenkie de Jong

41

Kooxda Barcelona ayaa Man United ka diiday dalabkii cusbaa ee ay Red Devils ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa dalabkeeda kor ugu qaaday lacag dhan 65 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong laakiin Barcelona ayaa isla markiiba diiday.

Frenkie de Jong ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Man United suuqa xagaagan iyada oo kooxdu doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA ee ka soo baxda Spain, Man United ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin Barcelona kadib markii laga diiday dalabkoodii cusbaa ee ay ka gudbisay saxiixa xiddiga.

Man United ayaa la sheegayaa in ay Barcelona miiska u saartay lacag dhan 65 milyan oo euro iyo waliba 17 milyan oo Guno ah laakiin Barcelona ayaa dareensan in uu qiimahaas ka hooseeyo lacagta ay doonayaan.

Kooxda Barcelona ayaa u sheegtay Man United in ay u baahantahay dalab dhan 100 milyan hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong suuqa xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here