DEG-DEG: Barcelona Oo Dalab Cusub Ka Gudbisay Robert Lewandowski

85

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab cusub ka gudbisay Robert Lewandowski sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Robert Lewandowski ayaa warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda Bayer Munich isaga oo u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Sida laga soo xigtay RMC Sport, Barcelona ayaa dalab cusub oo 40 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Robert Lewandowski si ay u helaan saxiixiisa suuqa xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa horay Robert Lewandowski Uga gudbisay dalab lacageed oo dhan 32 laakiin Bayern Munich ayaa soo diiday dalabkaas.

Barcelona ayaa haatan miiska saartay dalab 40 milyan ah waxana ay ku rajo weyn yihiin in ay helaan saxiixa xiddiga suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xavi ayaa doonaya saxiixa xiddiga Robert Lewandowski si uu ugu xoojiyo weerarka kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here