DEG DEG:- Baladweyne oo caawa ayna ka dhacin Xafladii 26 June sababtana ay tahay Amniga daro Awged in u baqatay Madamo Habeenkii Al-Shabaab Mamuulan Magaalada Beledweyne

250

Beledweyne(Radiohalgan.com)-Wararka aan ka heleeyno Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa tibaxaya in Xafaladii 26 June aay Baqatay Maamul Xumi Gobolka Hiiraan awgeed.

Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa radio halgan u xaqiijiyay in maamulka Gobolka uu joojiyay Xafladda oo qaban qaabadeda ka socotay Magaalada Baladweyne sababo xariiro xaalada Amni ee Magaalada Baladweyne.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa wajahaya xalado kala duwan oo ugu horayso maasuq maasuqa hantidii shacabka sida lacagaha cashuurta oo aan dib loogu soo celin caawa waxaa baaqatay xafladii 26 June ee Baladweyne lagu qabanlahay ayada oo sanad kaste bishan oo kale lagu qaban jiray Baladweyne.

Maamulka uu hoggaamiyo Cali Jeyte ayaa u muuqda mid kusii dhacaya bohol aan laga soo qaban karin walina majirto wax Isbadal ah oo lagu sameeyay Masuuliyiinta ugu sareyso Maamulka Gobalka Hiiraan.

Hadal haynta Shacabka Magaalada Beledweyne ayaa ah Habenkii Waxaa Maamulo Magaalada Al-Shabaab  Maalintii  Maamul Gobolka Hiiraan 

AFEEF:

RADIOHALGAN.COM marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Radio Halgan dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here