DEG-DEG: Arsenal Oo Qarka U Saaran Saxiixeedii 2-aad Ee Suuqa Xagaaga.

122

Kooxda Arsenal ayaa qarka u saaran saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fc porto ee Fábio Vieira Sida y sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Arsenal heshiis buuxda la gaadhay dhigeeda Fc Porto si ay u helaan saxiixa xiddiga Fábio Vieira.

Isla saxafiga ayaa sheegay in ay Arsenal heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga kaas oo qalinka ku duugi doona heshiis ilaa xagaaga 2027 ah.

Xiddiga Fábio Vieira ayaa saacadaha soo socda u duuli doona London si uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Arsenal una dhamaystiro heshiiska.

Fábio Vieira ayaa maalinta Jimcaha tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Arsenal isla markaas noqon doona saxiixii 2-aad ee ay Arsenal samayso suuqa xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here