Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis buuxda la gaadhay xiddiga xulka qaranka Talyaaniga iyo Chelsea ee Jorginho, kaas oo Gunners ay aqbashay inay bixiso lacagtii ay Blues ku xidhay heshiiskiisa, waxaana uu £12 milyan oo Gini ugu wareegayaa Emirates Stadium.

Labada kooxood ayaa isla meel-dhigay qiimaha laacibkan oo noqonaya £12 milyan oo Gini oo ay mar kaliya wada bixinayso Arsenal, waxaana uu kubbad-sameeyahani kusii jeedaa garoonka tababarka Arsenal ee London Colney oo uu tijaabada caafimaadka ku mari doono.

ah xiddigan reer Brazil ee qaatay dhalashada Talyaaniga ee u saamaxday inuu xulka Azzurri u dheelo.

31 jirkan ayaa ku garab siiyey Arsenal inuu fududaado heshiiska uu ku tegayo Emirates Stadium, waxaana uu kooxdiisa u sheegay in aanu qandaraaska u cusboonaysiin doonin oo uu si xor ah uga tegi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan haddii ay hadda ka iibin waayaan Arsenal.

Dhinaca kale, Arsenal ayaan wali ka hadhin laacibka khadka dhexe ee Brighton oo dalabkii saddexaad ay shalay ka gudbiyeen, iyaga oo dul-dhigay £75 milyan oo Gini, hase yeeshee haddii ay Seagulls ka dhego adaygto inay ogolaadaan dalabkan saddexaad waxay Gunners iskaga hadhi doontaa laacibkan.