Kooxda Al-shabaab ayaa markii u horraysay shaaciyay in aysan wax wada-hadal ah la gelin lana geli doonin dowladda Soomaaliya.

 

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sidoo kale beenisay hadal ka soo yeeray wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya xil. Cabdifitaax Qaasim kaas oo sheegay in Al-shabaab soo dalbadeen in wada-hadal.

 

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara anaga iyo kooxda dabadhilifka u ah gaalada caalamiga” ayaa laga soo xigtay Al-shabaab sida ay qortay warbaahinta taageerta Kooxdaas.

 

Hadalkaas ayaa imaanaya iyadoo dagaallo culus oo ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si kooxda looga saaro degaannada ay kaga hareen Gobolladaas.