Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Dalalka Ruushka & Pakistan oo ka wadahadlay sidii loola shaqayn lahaa xukuumadda Taliban
    Gudaha

    Dalalka Ruushka & Pakistan oo ka wadahadlay sidii loola shaqayn lahaa xukuumadda Taliban

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 26, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ruushka iyo Pakistan ayaa wadahadal ay yeesheen Arbacadii, waxay ku sheegeen baahida loo qabo “in si wax ku ool ah” loola shaqeeyo ururka Taliban ee ka taliya dalka Afghanistan, hase ahaatee waxay meesha ka saareen in aqoonsi rasmi ah la siiyo hoggaamiyayaasha islaamiga ah, illaa ay wax ka qabanayaan walaacyada caalamiga ah ee laga qabo, xuquuqda haweenka iyo weliba inay soo dhisaan maamul loo dhan yahay.

    Ergeyga Ruushka u qaabilsan Afghanistan, Zamir Kabulov ayaa hoggaaminayey wefti ka socday Ruushka oo wadahadal kula yeesha Islamabad, masuuliyiinta Pakistan, wuxuuna masuuliyiinta Pakistan uga warbixiyey kulamadii uu horraantii bishan kula yeeshay Kabul, masuuliyiint ururka Taliban.

    Ilo wareedyo sarsare oo Pakistani ah ayaa u sheegay VOA in Kabulov uu sheegay in Moscow ay sii wadayso la macaamilka ururka Taliban, balse “xilligan lagu guda jiro” aanay ka fikiraynin inay aqoonsi rasmi ah siiso hoggaamiyayaasha Afghanistan.

    Ilo-wareedyada ayaa ka soo xigtay ergayga Ruushka inuu “kula taliyay” masuuliyiinta Taliban inay u dhaqaaqaan sidii ay u yagleeli lahaayeen dhismaha dawlad loo dhan yahay, iyo xal u helaan amuurana la xidhiidha xakamaynta haweenka, isagoo sheegay, in haddii aan sidaas la helin, inaanu jiri karin in sharciyad caalami ah la siiyo dawladnimadooda, sidoo kalena aanu dalka Afghanistan ka heli doonin adduun weynaha taageero la taaban karo.

    Bayaan kooban oo ka soo baxay dawladda Pakistan ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay xoogga saareen [baahida] loo qabo, in si dhab loola shaqeeyo xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Afghanistan.

    Ila wareedyada ayaa sheegay in Pakistan ay sheegtay inaanay ka fikiraynin inay haatan aqoonsi rasmi ah siiyaan ururka Taliban, balse ay tallaabadaas kala siman yihiin beesha caalamka.

    Isha: VOA

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleCiidamada Somaliland oo xalay isaga Baxay Deegaanka yubbe Ee Gobolka Sanaag
    Next Article Daawo:- Muqaal Madaxda Somaliland Qaarkood Oo Si Dareen Leh Uga Hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood.

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood

    February 6, 2023

    Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda culus ayaa weli ka soconaya caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood, kadib…

    Taliye ku xigeenka cusub ee ATMIS oo si rasmi ah xilka ula wareegay.

    February 20, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.