Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    dagaal galay Maalintii 8aad oo ka socda Laascaanood
    Gudaha

    dagaal galay Maalintii 8aad oo ka socda Laascaanood

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 13, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maanta markale dib uga qarxay magaalada Laascaanood dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland iyadoo hub culus la isku adeegsanayo.

    Labadii bilood ee lasoo dhaafay, Laascaanood ayaa waxay astaan u noqotey dilka dadka shacab ah, duqeynta xarumo caafimaad iyo barakac kumanaan ruux oo aan waxba galabsan.

    Dhamaan arrimahan ayaa ka dhashay dagaal xarunta gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka kadib uu qabsoomay shir looga soo horjeedo maamulka Hargeysa.

    In ka badan 100 dhimasho ah

    Illaa haatan, waxaa la xaqiijiyey in labadii bilod lasoo dhaafay ay Laascaanood ku geeriyoodeen in ka badan 100 qof shacab ah. Si gaar ah, todobadii maalmood ugu dambeysay waxaa dhintey 58 qof.

     

    Magaalada ayaa gashay xaaladii ugu sareysay oo milatari ah. Dadweynaha ayaa u qaxay degaanadda ku teedsan. Dad kooban oo la socda ciidamadda degaanka ayaa kusoo haray magaaladda.

    Duqeymo aan kala sooc lahayn

    Isbitaaladda ayaa la kulmay duqeymo aan kala sooc lahayn. Tani waxay carqaladeysay howlihii loo fidin lahaa dhaawacyadda. Hay’adaha samafalka ayaa ka digay in xaalad bini’aadatinimo oo aad u xun.

    Sahayda bini’aadantinimadda ayay codsadeen in lo fasaxo magaalada. Dadka degaanka ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay xayiraad saartey hay’adaha deeqda bixiya wallow maamulka uu beeniyey.

    Hanjabaadda ka timid Mareykanka

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in la duqeeyay guryo iyo xarumo caafimaad intii uu dagaalku socday, waxaana xuseen in ay ku dhinteen ku dhawaad 58-qof oo shacab ah, tiro kalena ku dhaawacmeen.

     

     

    Mareykanka ayaa sheegay in duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada ay tahay in la joojiyo “haddii kale ay ka dhalan doonto dambiyo dagaal”.

    Codsi ka yimid Qaramadda Midoobay

    Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda, lana ilaaliyo dadka rayidka ah, iyo gargaarka bani’aadanimo oo aan la carqaladeyn.

    Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, balse ma helin aqoonsi caalami ah oo ku aaddan maqaamkeeda waxaana aduunka u arkaa maamul hoostaga dowladda federaalka ah.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous Article(Sawirro) Qoorqoor oo ka qeyb galay xaflada caleemo saarka Muxyadiin Aadan Wali
    Next Article EX Xildhibaan Xanafi ayaa yiri Dabageed, ma mudna soo dhoweyn iyo maamuus sare, waa dambiile u baahan in la maxkamadeeyo

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    DEG DEG Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan CXD

    March 14, 2023

    Weerar Ismiidaan ah ayaa lagu qaaday Guriga Martida ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaas…

    Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Hobyo

    January 16, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.