Dagaal faraha looga gubtay oo u dhaxeeya ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo garabsanaya kuwa Dowladda iyo AS ayaa ka socda deegaanka Jiciboow oo hoostaga degmada Degmadda Halgan ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo aad u culus ayaa biloowday kaddib markii ciidamada Huwanta ah aay ku jarmaadeen deegaanka Booroow oo fariisin u aheyd AS.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dirirta u dhaxeyso ayaa laga soo warinayaa deegaanka Booroow Jiciboow.
Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda kooxda AS ka saareen bariga deegaanka Booroow Jiciboow, balse weli kooxda AS ayaa ka dagaali meysa geedaha ku yaalla dhanka galbeed ee deegaanka Jiciboow.
Gurmad xooggan oo ka baxay deegaano kamid ah gobolka Hiiraan ayaa gaaray Jiciboow taasi oo keentay in dagaalka uu labo qarxo.
Dagaalka oo socda wax ka badan 7-saac oo xariir ah ayaa lagu wadaa in aay goordhow ku biiraan diyaaradaha dagaalka oo aay leeyihiin sxb-da Dowladda Soomaaliya ka caawiya dagaalka Argagaxisada.