Dagaal ay ku dhinteen laba Nin walaalo ah oo ka dhacay Gobolka Sool

43

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay uu ka dhacay degaanka Kugarad oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degaannada Buulal & Karin Karfood ee Gobolka Sool.

Daagaalka ayaa goobjoogayaal sheegeen in dadka ku dhintay ay kamid noqdeen Ca (-) iyo oo wada dhashay halka ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo kale.

Dhinacyada dagaalamay ayaa isku heysta dhul kuyaalla degaanka ay ku dagaalameen, waxaana dagaalkooda uu yahay mid dhowr jeer oo hore soo laab laabtay.

laamaha Amniga Somaliland ayaa weli ka hadlin dagaalka, hayeeshee colaad Beeleedyada ayaa sanadihii la soo dhaafay aad ugu batay degaannada Gobolka Sool gaar ahaan tuulooyinka hoostaga Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here