Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle oo aay wehliyaan Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin iyo madax kale oo maamulka kamid ah ayaa wada jir maanta u dhagax dhigay xaruunta dowladda Hoose ee Beledweyne oo ku bur-burtay qaraxyadii dabayaqada sanadkii tagay ka dhacay Beledweyne