Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Daawo: Sharci dood badan dhaliyay oo maanta la hor-geeyay Aqalka Sare ee BF
    Gudaha

    Daawo: Sharci dood badan dhaliyay oo maanta la hor-geeyay Aqalka Sare ee BF

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 4, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kulankii maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa la horgeeyay Hindise-sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo hore buuq badan uga dhaliyay Golaha Shacabka, ayna ka taagneyd dood badan.

    Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan labada guddoomiye ku-xigeen ayaa shir-guddoomiyay kulanka oo ajandihiisu ahaa qeybinta hindise-sharciyeedkan, ayada oo golaha uu hortagay wasiirka wasaaradda Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

    Wasiirka oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa Senator-da warbixin ka siiyey hindise-sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman, isaga oo sharaxaad ka bixiyay muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay iyo sidii uu wax kaga bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka.

    Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa intaas kadib waxa uu sheegay in sharcigaan loo gudbinaya guddigga maaliyadda ee golaha Aqalka Sare, si ay uga soo doodaan ayna dib ugu soo celiyaan Golaha.

    Guddoonka Golaha Shacabka ayaa 14-kii bishii meel-mariyay hindise-sharciyeedkan, ayada oo guddoonka lagu eedeeyay in uu hab sharci darro ah u ansixiyay, waxaana si adag uga horyimid meel-marinta sharcigaan xildhibaanada qaarkood.

    Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS ayaa cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildhibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka.

    Hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay.

    Marka qof ama hay’ad ay asteeyso wasaaradda Maaliyada ama Golaha Ammaanka ee QM, waa in islamarkiiba la xayiraa lacagta ama hantida shaqsiga la asteeyay,” ayuu dhigaya sharcigan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 4-aad.

    Sidoo kale waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda Maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale.

    Wasiirku waa inuu soo saara xeer-nidaamiye jideeynaya habraaca xayiraada hantida iyo lacagaha shaqsiyaadka iyo hay’addaha la asteeyay,” ayuu leeyahay sharcigaan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 6-aad, faqradiisa 3-aad.

    Hindise-sharciyeedkan doodda dhaliyay, uuna hore u meel-mariyay Golaha Shacabka ayaa waxay mataano yihiin sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee 2016-kii.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWasiir hormarinta reer Miyiga Hirshabelle  ayaa magacaabay isuduwaha wasaaradda reer miyiga ee gobalka Hiiraan
    Next Article Daawo:- Taliyihii hore ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed General Xijaar ayaa sheegay in talisku ciidamo Boliis ah geeyay Magaalooyinka Khawaarijta laga xoreeyay ee gobolka Shabeellada dhexe.

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Maxay ka wada hadleen Gudoomiye Aadan Madoobe iyo dhigiisa Mustafa Şentop?

    February 4, 2023

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka…

    DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa laga saaray hoolka uu kacay dab

    March 13, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.