Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Dalka Mareykanka kula kulmay Culimada ku sugan Gobolka Minnesota isaga oo kala hadlay garab istaagga dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee Dalka ka socda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay xoogga saartay dagaalka ‘Dalka looga saarayo AS’ si go’aankaas looga dhabeeyo loo baahan yahay garab-istaag buuxa oo Xukuumaddiisa lagu siiyo.
Ololaha la dagaalanka ‘AS’ ee gudaha Dalka ka socda ayuu sheegay in meel wanaagsan uu gaarsiisan yahay maadaama Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & qaybaha kala duwan ee Bulshada ‘Halgankaas qayb ka yihin’ waa sida uu yiri.
Xamsa Cabdi Barre ayaa shaaciyay in horay Muqdisho loogu qabtay shir la isugu keenay culimada Soomaaliyeed kaas oo diiradda lagu saaray dagaalka dhanka fikirka ee looga soo horjeedo ‘AS’ waa sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in saddex dhinac ay kala dagaalameyso ‘AS’ kuwaas oo kala ah: 1-Dagaalka tooska ah ee Ciidamada iskaashanaya ay wadaan, 2-Dhinaca Maaliyadda iyo 3-Dhanka Aragtida.
Reer Hiiraan ayaa tuusay Soomaalida in Shabaab laladagalami karo
Hoose ka Daawo Muuqaalka