Xiddiga Man United ee Antony ayaa is ceebeeyay kulankii ay Man United garaacday Reading kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.
Xididga Antony ayaa qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha kaga xanaajiya farsamo uu sameeyo marka uu kubada haysto.
Xiddiga reer Brazil ayaa sameeya farsamo uu kubada lugta dul-marayo isla markaas kuna cel-celiyo si uu u khal-khaliyo daafaca hor taagan.
Laakiin xiddiga Antony ayaa xalay ku ceeboobay markii uu isku dayay farsamada in uu ku sameeyo xidig kooxda Reading u ciyaara.
Laakiin Antony ayaa ku dul kufay kubada kadib markii uu isku dayay in uu sameeyo farsamadii uu caanka ku ahaa tan ilaa markii uu yimid kooxda.