Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ayaa sheegay in heer gabagabo ah uu dagaalkaas marayo marka la eego dhulka baaxadda weyn ee laga qabsaday & sida cadaadista loo saayo waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay in laga fogaado la tacaamulka ‘AS’ iyo in la damiinto isaga oo intaas ku daray in dadka waxa laynayo ay yihiin dadkaas damiinanaya waa sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dadka lacagaha siinaya ama u qarinayo qabyaalad darteed ayuu ku sifeeyay “in ay yihiin dadka wax haligayo qaybna ka qaadanaya dhibaatada uu geystay qofkaas” sidaas awgeed loo baahan yahay in laga fogaado waa sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ciidamada ayuu sheegay in had iyo jeer lagu wacyigeliyo sidii ay ‘AS’ ula dagaalami lahaayeen iyo in ay ilaaliyaan Dadka Shacabka ah ee ku sugan deegaannada ay weli joogaan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in laga fogaado meelaha ay joogaan ‘AS’.

“Shabaab kuwa lacagta siinaya, kuwa u qarinaya in ay ku qabiil yihiin ogaada dadka kuwa laynayo waa idinka, nin baa ku dacwoonaya aniga ayaa garanayo oo kan Shabaab ma ahan, war ma taqaanid mana yaqaano oo haddii uu aqoon lahaa waan soo qabqaban lahayn ma isagaa nagu sii daahi lahaa, Dadka Soomaaliyeed meel weliba oo aad joogtaan ka fogaada ‘AS’ meel weliba ay joogaan” ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu bogaadiyay Ciidamada ku dhiirraday in ay kahortagaan weerarrada & qaraxyada ‘AS’ isaga oo tallaabadaas ku sifeeyay mid muujineysa sida ay uga go’an tahay badbaadinta Madaxda, Ciidanka & Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qaraxyada lacago badan ay ku baxaan balse cidda dhiibtay ay tahay in lala xisaabtamo maadaama uu tilmaamay in aanay jirin meelo dhaqaale kasoo geli kara ‘AS’ oo ay ka heli karaan lacagta intaas la eg waa sida uu yiri.

Geed dhulka lagu beeray ee kasoo baxay ma ahan qaraxyadaas oo lacagta baa lagu soo sameeyay, Gaarigu waala soo iibiyay, biyaha lagu wareejiyay ee aanay xabbadu Karin waala soo iibiyay, qaraxa uu sido oo 12 Shey la isku daray ah waala soo iibiyay, lacagtaas qof Soomaaliyeed baa dhiibay, sidee ayuu nagu qancin karaa lacagtaas ma dhiibin, qaraxyadii waa weynaa ee dadka faraha badan nooga dhintay gaar ahaan Soobe dadkii bixiyay sidee ayay u dhahaan wax ma dilin ama ma sameyn” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo fog ku sugan Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa halkaas u tagay dardargelinta dhammeystirka wajiga 1aad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Share.

Leave A Reply