La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha siyaasadda Cali Maxamed Warancade, ayaa waxaa uu eedaymo kulul u jeediyay Maamulka Soomaaliya.

Cali Maxamed Warancade, ayaa waxaa uu ku eedeeyay Maamulka Soomaaliya inay markasta ka shaqaynayaan hagar daamada Dowladda Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Somaliland lagu xoreeyay dhiiga, maalka iyo xooga shacabka si loo soo celiyo midnimadii Lixdankii luntay.

Dhinaca kale, waxaa uu ku eedeeyay Soomaaliya inay faro gelin ku hayso gudaha Somaliland islamarkaana ay damacsan tahay inay rabshad ka dhex abuurto gobolada qaar.

Warancade, ayaa sheegay in xornimadii Somaliland ee Lixdankii ee soddonka sanno halganka badan ka qaatay, ay Madaxdii Soomaaliya ee gacanta loo geliyay, ay Somaliland u quudhi laayihiin dowladnimada, horumarka iyo gobanimada ay gaadhay.

Waxaa uu sheegay in ay Somaliland gaadhay isku filnaansho dowladnimo, midnimo iyo in ay shacabku gacmahooda ku doortaan madaxda hoggaaminaysa.

https://www.facebook.com/slntvone?locale2=en_US