Wasiir Abdirahman Dahir Gure oo kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ka go”antahay dhameystirka dhismaha Golaha Deegaanka oo marayo hannaanka Awood qeybsiga oo ah heer gebo gebo isaga oo sheegay in turxaan baxinta howlaha farsamo ay hormuud u yahiin dhaqanka Degmada Jowhar .

Odayaasha dhaqanka degmada Jowhar ayaa soo dhoweyay in la dedejiyo howshani waxaana ay ku baaqeen inay kaalintooda si weyn u buuxin doonaan.

Magaalada Jowhar oo yeelato gole deegaan ayaa ka dhigan inay si dhameystiran ugu buuxsanto Hannaanka Dhismaha Dowladaha hoose oo tayo leh baxiyana adeeg bulsho iyada oo xubnaha maamulkana isku dooran dooran si xor ah.