Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Daawo:- Muqaal Wararkii ugu dambeeyay ee shirka ka furmay Muqdisho
    Gudaha

    Daawo:- Muqaal Wararkii ugu dambeeyay ee shirka ka furmay Muqdisho

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 31, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo waddamada dariska, gaar ahaan Kenya, Djibouti iyo Ethiopia, kuwaas oo qayb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

    Shirka ayaa ku furmay heer taliyeyaal ee waddamadan la’isku yiraahdo dalalka safka hore, sida uu shaaciyay Wasiir Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

    Daa’uud Aweys oo ka warbixiyay kulanka maanta ayaa sheegay inuu horudhac u yahay shir madaxeedkaa beri furmaya, kaas oo ay kasoo qayb-galayaan madaxweynayaal.

    Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirka lagu gorfeeyey wada shaqeynta ciidamada dalalka Soomaaliya, Kenya, Djibouti iyo Ethiopia iyo sidii ay isku kaashan lahaayeen.

    ‘Qaybta taliyeyaasha waxaa diiradda lagu saarayey wada shaqeynta iyo iskaashiga iyo in la dajiyo istaraatiijiyd mid ah oo ay leeyihiin ciidamada dalalka safka hore,” ayuu yiri Daa’uud.

    Sidoo kale waxaa shirkan oo ay martigelineyso dowladda dhexe ku biiray Wasiirada Gaashaandhigga ee dalalka deriska, loona yaqaano dalalka safka hore.

    Dhanka kale shirka beri dhacaya oo uu horkacayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu gorfeynayaa dhammeystirka hawlgallada dib u xoreynta ee haatan ka socdo dalka, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee howlgallada ka socda Soomaaliya.

    Waxaa sidoo kale dowladdaha federaalka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada.

    Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah iyo garoonka Aadan Cadde, si loo sugo amniga inta uu socdo shirweynahan.

    Dowladda Soomaaliya oo saaka qoraal soo saaray ayaa farriin cudur daar ah u dirtay dadka Soomaaliyeed oo ay ugu baaqday inay dul-qaad muujiyaan labadaan maalin.

    “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhanka kale cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

    Si kastaba, shirweynaha ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka Al-Shabaab.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleMaxay ka wada hadleen Taliye Odowaa & dhigiisa Gen. Robert Kariuki? (Sawirro)
    Next Article Villa Somalia oo shaacisay 4 qodob oo shirka berri looga hadlayo iyo madaxda imaaneysa

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Daawo:- Muqaal Madaxda Somaliland Qaarkood Oo Si Dareen Leh Uga Hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood.

    January 26, 2023

    https://youtu.be/QhEI__W9vZE

    Haweeney madaxweyne Ah Oo Xeer Cusub Kasoo Saartay Kaniinika Uurka Looga Hartago

    March 11, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.