Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Daawo:- Muqaal Maxkamadda ciidamada oo xukuntay koox TikTok-ley ah oo sameysay Prank yaab leh
    Gudaha

    Daawo:- Muqaal Maxkamadda ciidamada oo xukuntay koox TikTok-ley ah oo sameysay Prank yaab leh

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 26, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiis la yaableh oo ka dhashay muuqaal Prank ahaa oo ay sameeyeen koox Tik-Tok-ley ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

    Maxkamadda ayaa waxaa la soo taagay 4 nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baraha bulshada ku faafiyay muuqaal jiliin ah oo ay lacag madax furasho ah uga dalbanayaan hooyo Soomaaliyeed.

    Sheekada jiliinka ah ayaa waxaa hormuud u ahaa wiil lagu magacaabo Zakariye Maxamuud Warsame oo dhaqan celin ahaan looga keenay dalka Sweden, isaga iyo saxaaxibadiisa ayaa iska soo duubay muuqaal ay ku jilayaan inuu afduuban yahay Zakariye, waxaana muuqaalka ka soo muuqday labada wiil oo hubeysan, isla-markaana garaacaya Zakariye oo hooyadiisa farriin u diraya, kana codsanaya inay bad-baadiso oo ay lacag u soo dirto.

    Ujeedka ay arrintaan u sameeyeen dhalinyarada ayaa ahaa in Zakariye uu hooyadiis ka qaato lacag uu ku iibsado Tikid, si uu ugu laabto waddanka laga keenay ee Sweden.

    “Aniga dalka dhaqan celin ayaa la’ii keenay waalidkey ayaana ii keensaday, iyaga ayaana diinta i baraayey dalka dibaddiisaa ku dhashay, kuna soo barbaaray ,” ayuu yiri Zakariye.

    Sidoo kale labada nin ee kale ee maxkamadda la soo taagay ayaa sheegay in sheekadan uu keenay Zakariye, si uu hooyadiis uga qaato lacagta tikidka uu ugu labaan lahaa Sweden.

    Asiga ayaa fikraddaan noola yimid, annaga oo Tik Tok iska istcimaaleyno asaa dhahay hooyadey lacag ayaa ka rabaa asaa weydiistay,” ayuu yiri ma mid ah ragga lasoo xiray.

    Sidoo kale Nuur Xayle Cismaan Cali oo kamid ah ragga la maxkamadeeyay ayaa sheegay in lama filaan ay ku noqotay in isaga oo dambiile ah la horkeeno Maxkamadda Ciidamada.

    Shuute aniga weligey waan arkaayey in Al-Shabaab uu ciqaabaayo oo xukun uu ku ridaayo, balse ma aamin saneyn adiga oo shacab ah micnaha inaad dambi gashid ayaa Shuute lagu horgeynaa,” ayuu isna yiri Nuur Xayle Cismaan oo Prankiga wax ka sameeyay.

    Sidoo kale maxkamadda aya waxaa la horkeenay askarigii lahaa hubka oo sheegay in ay daris ahaayeen wiilasha, isla-markaana ay gurigiisa imaan jireen, balse uusan waxba kala socon arrinta ay sameeyeen iyo muuqaalka ay ku duubeen hubkiisa iyo dharkiisa ciidan.

    Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa afartan nin ku soo eedeysay, in suurad xun ay ka bixiyeen amniga qaranka, waxayna codsatay in lagu rido xukun u qalma ciqaabtooda.

    Ugu dambeyn Garsoorka Maxkamadda ayaa go’aamiyay in dhammaan raggaan loo diro dhaqan celin, halka askarigana loo diray feel celin oo ah ilaalinta hantida qaranka, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute).

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleRa’isul Wasaare Xamse Barre oo labo arrimood uga Mahadceliyay Sacuudiga (Sawirro)
    Next Article Dowladda Mareykanka oo malaayiin dollar ugu deeqay Soomaaliya

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Maxkamadda CQS oo Gashaanle ka tirsan CXD ku xukuntay bixinta Diyo & shan sano oo xabsi Ciidan ah

    March 14, 2023

    Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa Gashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ahaa baare ka tirsan Ciidanka…

    IRAN: Maxaabiis Siyaasadeed oo la dilay

    February 24, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.