Isu-duwaha wasaaradda Caafimaadka gobolka Hiiraan ayaa gurmad Daawa ah gaarsiiyay Cisbitaalka guud ee degmada Maxaas si loogu dabiibo dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii maanta ka dhacay degmada Maxaas.

Isu-duwe Shiikh Axmed Maxamed Khaliif ayaa dhanka kale u tacsiyeeyay Ehelada dadka ku geeriyooday Qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas.

Shiikh Axmed Maxamed Khaliif oo ka amba baxay magaalada Beledweyne markii uu qaraxaasi dhacay ayaa dhanka kale Cisbitaalka Maxaas geeyay Dhaqaatiirta uu Beledweyne ka waday si aay dhanka uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dadka dhaawaca ah loo sameeynayo.