Waxan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa hooyada Marxuum Maxamed Xeyle oo askeri ku dilay isgoyska Hawlwwdaag Muqdisho xili uu mooto Bajaaj ku waday hooyadiis iyo walaashiis. Sidoo kale intii ka facelisay oo ayagana ku dhimatay xanuunka ayaan laqeybsanayaa eheladooda.

Markii ugu horeysay maaha dhacdadaan waa mid joogto ah sanada badan.

Waxa jira laba arrin oo sabab u ah dilka darwalada mooto Bajaajka:
1). In askartu cabsi heyso oo ay ka baqayaan in Shabaab ku soo dhuuman karaan gaadiidka dadaweynaha iyo 2). In askarta markii la askareynayay aysan marin baaritaan caafimaad,mid aqlaaq iyo taariikh nololeedkiisaba.

Waxa laga yaabaa in askarta inbadan oo kamid ah uu haayo xanuun xaga maskaxda ah, ama ay dilootay muqaadaraad ama ay dhici karto arrimo kale oo sabab u noqon kara in askeriga uusan ilaalin sharciga ama ilaalinta badqabka muwaadaniinta Soomaaliyeed.

Waxan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka ah in askarta dib loogu sameeyo baaritaan caafimaad ayada oo la adeegsanayo dhaqaatiir qibrad leh, kadibna intii sharuuda askarnimada buuxin weysa waa in laga saaro askarnimada loona sameeyo mihnado kale oo ay ka helaan moloshooda.

Waxa kale oo muhiim ah in Dowladdu diyaariso wacyigelin u baxaysa qaab waxbarasho oo askarta lasiiyo si looga guuro nidaam la’aanta looguna guuro nidaamka (law and rule system).

Sidoo kale waa in dadweynaha qudhooda lawacyigeliyo qaab kasta oo lagu gaarsiin karo sida ay tahay in ay ula dhaqmaan marka ay yimaadiin koontaroolada (police check points), ama marka ay askartu ugu timaado guryahooda ama meheradooda. Wacyigelintaan waa in shacabka loo marsiiyo kanaalada warbaahinta nuuckasta ay tahay.

Ugu dambeyn XAALADAN. MAAHA MID LAYSKA INDHATIRI KARO waa xaalad mudan in dowladu qaado talaabo deg deg ah.

<•••• Dad Dalka U Siman •••••>

Gudoomiyaha Xisbiga Daldhis ahna Madaxa Xariirka Dibadda ee Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliyeed
Cabdiraxmaan Xuseen Caddow