Doorashada Guddoomiye ku xigeenka iyo Xog-hayaha Rugta Ganacsiga &Warshadaha gobolka Hiiraan oo Beledweyne lagu qabtay.

Ganacsatada gobolka Hiiraan ayaa doortay maanta Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga &Warshadaha gobolka Hiiraan iyo Xogaha Rugta Ganacsiga gobolka Hiiraan.

Doorashada oo aheyd mid gacan taag ah ayaa xilka Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga gobolka Hiiraan loo doortay Cismaan Abuukar Cumar.

Sidoo kale Xog- hayaha Rugta Ganacsiga gobolka Hiiraan waxaa loo doortay Cabduqaadir Maxumed Xasan.

Ku-simaha Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Hirshabelle ahne Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Hirshabelle Xaliimo Cabdullahi Fiidoow odayasha dhaqanka Ganacsato Dhallinyarada iyo qeybaha bulshada ayaa Goobjoog ka ahaa doorashadaasi.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga gobolka Hiiraan Cabdullahi Shiikh Maxamed ayaa sheegay in rugta Ganacsiga maanta kaamil tahay madama boosaskii dhinnaa la doortay.