Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xirtay in ka badan 200 Akoon kuwaas oo la sheegtay in ay yihiin kuwa Shacabka ay la wadaageen Hay’adaha ku shaqada leh in ay kor joogteeyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ay hareer taagnaayeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa warbaahinta kula hadlay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Al-Cadaalla oo Warbaahinta madaxa bannaan la hadlay ayaa yiri “Waxaa la xiray 250 Akoon, sidoo kale waxaa xannibaad la saaray 70 Telephone oo ah kuwa loo arkayay in AL-Shabaab u isticmaaleysay lacagaha” waa sida uu hadalka u dhigay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo 10 January 2023-ka la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay xirtay “250 Akoonno AS ku lahayd Bangiyada dalka” isaga oo sheegay in ay baari doonaan Lacagaha ku jirana, kuwa shacabka ay lahaayeenna ay u celin doonaan.