Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Deegaanka iyo kuwa Xooga Dalka Soomaaliyeed oo shalay cashar lama iloowaan ah Deegaanka Ciid Ciidka/Cali Foodheere ugu dhigay Khawaariijta Al-shabaab.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee Hirshabelle ayaa tagay godadkii lagu laayey argagixisada iyago Ciidamada Deegaanka iyo kuwa xooga ku boogaadiyey difaaca deegaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in waqtiga khawaariijta gabaabsi yahay lagana haridoonin ilaa laga dabajaroh looguna gali doono howdadka ay ku dhuumaleysanayan

Dagaalka lagula jiro Kooxda khawaariijta waa mid jihaad ah laguna difaacayo Diinteena ay kuso dhuunteen Dalkeena iyo Dadkeena ilaa laga ciribtirona laga difaaci Deegaanadeena.

Ugu danbeyn Mas’uuliyiinta ayaa 3 Neef oo geel ah ku wareejiyey Ciidamada xooga Dalka iyo Kuwa Deegaanka Cali Foodheere iyo Tuulooyinka hoosyimaada.

Share.

Leave A Reply