Daawo:- Cristiano Ronaldo Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United.

130

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uuna doonayn in uu isaga tago kooxda Man United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan inkasta oo ay dhawaanahan jireen warar xan ah oo ku saabsan xiddiga reer Portugal.

Xiddiga 37 jirka ah ayaa dhaliyay 24 gool sidoo kale caawiyey 3 kale 38 kulan oo uu u ciyaaray Man United xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Ronaldo ayuu hal sano uga dhimanyahay heshiiskiisa Man United waxana si weyn loola xidhiidhinayay ka tagista kooxda Man United suuqa xagaagan.

Fashilka United ee u soo bixista champions League ayaa keentay in uu shaki weyn galo mustaqbalka xiddiga ee kooxda Man United.

Laakiin sida laga soo xigtay Sport Witness, xiddiga reer Portugal ayaan wax niyad ah u hayn in uu isaga tago kooxda Man United suuqa xagaagan.

Xiddiga ayaa xiiso lama filaan ah ka helaya kooxdiisii hore Sporting Lisbon iyo waliba kooxda Roma laakiin xiddiga ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here