Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Daawo: Booliska MUQDISHO oo soo qabtay burcad dhac gaysatay oo laga arkay CCTV
    Gudaha

    Daawo: Booliska MUQDISHO oo soo qabtay burcad dhac gaysatay oo laga arkay CCTV

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 12, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamada Booliska ayaa soo qabtay burcad ku hubeysan oo dhac ka geysatay goobo ganacsi oo ku yaalla deegaanka Weydo ee duleedka magaalada Muqdisho iyo degmada Dharkenley.

    Burcadan oo ka koobnaa laba askari oo ku lebisan dareyska ciidanka ayaa waxaa duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV, kadibna lagu baahiyay baraha bulshada, taasi oo sahashay in ciidamada gacanta kusoo dhigaan.

    Goobaha ay dhaca ka geysteen labadan nin ayaa waxaa kamid ah Farmashiye iyo Dukaamo ay ka qaateen agab kala duwan iyo lacag, kuwaas oo markii dambe u gacan galeen ciidamada Booliska.

    Ciidamada Booliska ayaa labadan nin kusoo qabtay raad-raac ay ka sameeyeen kaamirada, sida uu shaaciyay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir

    “Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo qabtay labo kamid ah burcad hubaysan oo qori AK47 ah ku dhacayay goobo ganacsi oo ku yaalla degaanka Weydoow ilaa aagga degmada Dharkenley, kuwaas oo muuqaalo laga helay lagu baahiyay Baraha Bulshada, iyagoo gudaha u galaya goobo ganacsi oo ay kamid tahay goob Pharmacy ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska

    Baaritaan dheer kadib ciidanka booliska degmada Dharkenley ayaa soo qabtay labadaan nin ee Burcadda ah, waxaana lagu soo xiray saldhigga Degmada Dharkenley, ciidanka ayaa ragaan ka qaaday agab kala duwan oo ay ka soo dhaceen bulshada.”

    Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska “Muwaadiniinta ay burcadaan dhaca u geysteen waxaa laga codsanayaa inay soo wacaan lanbarka gaaban ee 991, si loogu hagaajiyo xoolaha ka maqan.”

    Ciidamada Booliiska Soomaaliyed ayaa muddooyinkii dambe waday howl-gallo lagula dagaalamayo kooxaha burcadda ee bulshada dhaca, kuwaas oo tiro kamid ah la soo qabtay.

    Hoos ka daawo muuqaalka

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDEG-DEG:- Xildhibaan Qoono Waa arrin bogaadin mudan shirweynaha beel-weynta Xawaadle Balse Dabageed aan loo ogolaan in uu kasoo qeybgalo shirweynahaas (wax badan ka ogoow)
    Next Article Wararkii ugu dambeeyey tirada Soomaalida ku dhimatay dhul-gariirka Turkey oo korortay

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Madaxweyne Qoor Qoor oo Boggaadiyay guul weyn oo saakay gaareen Ciidanka huwanta

    January 17, 2023

    War saxaafadeed uu goordhaw soo saaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayuu kaga…

    Shan faa’ido oo laga helo cunista kalluunka dufanta leh

    March 8, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.