Magaalada Breda ee waddanka Netherland waxaa lagu qabtay Sebtidii aqoon is-weydaarsi ay ka soo qeybgaleen in ka badan 200 dhalinyaro Soomaali ah oo ka kala yimid cirifyada dalkaasi.
Aqoon is-weydaarsigan, oo ah kii ugu horreeyay noociisa, waxaa soo qabanqaabiyay hay’adda Kardo ee fadhigeedu yahay Magaalada Zwolle, waxaana qabsoomidiisa suurtageliyay “Oranje Fonds”.
Cabduqaadir Cali (Nuune) oo ah Guddoomiyaha hay’adda Kardo, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay kulankan u soo abaabuleen ey tahay in ay kala faa’ideystaan dhalinyarada dalkan wax ku bartay, isaga oo intaas ku daray in ay qaar dhalinyarada ka mid ah oo dalkan ku bartay culuun kala duwan ay tusaale fiican u noqon karaan kuwa ku haminaya in ay ku daydaan
Kulanka waxaa si weyn uga dhexmuuqday gabdho Soomaali ah; waxaana dadkii ka qeybgalay ka mid ahaa Ganacsade Kadir Ahmed oo ah milkiilaha warshad soo saarta nuucyada kala duwan ee rootiga xalaasha ah.
Sidoo kale, dadkii ka hadlay aqoon isweydaarsiga waxaa ka mid ah orodyahan Maxamed Cali oo guulo taariikhi ah ka gaaray tartanka orodada dalkan NL.
Nasiib wanaag waxaan leenahay dhalinyaro dalkan wax ku bartay oo ay ku jiraan dhaqaatiir, ganacsato, garyaqaanno, kuwa kaalin weyn kaga jira isboortiga & dhalinyaro ku guuleystay in ay meel fiican ka gaaraan waxbarashada, waxaan soo dhoweynayaa in dhalinyaradaasi la dhiirageliyo” Ayuu yiri C/qaadir Nuune oo ururkiisu uu soo qabanqaabiyay aqoon isweydaarsiga.
“Waxaan dalkan imid 1992-dii, 10 sanno markii aan joogay ee aan waxbarashadeydii dhameystay waxaa igu dhacay “homesick” qofka dhalinyarada ah ee dalkan ku dhashay ama ku barbaaray mar walba waa inuu maskaxda ku hayaa inuu dalkeenii u baahan yahay in gadaal loo fiiriyo” Ayuu yiri Cabdulqaadir Nuune, isaga oo walaac ka muujiyay in dhalinyarada qaar uu ku yimid wax la yiraa “identity crisis”.
