Daahirnimada eyga iyo doofaarka: Fatwo uu soo saaray sheekh caan ah oo muran ka dhexdhalisay Masar

52

Hadal uu Dr Axmed Kariimah, oo ah bare Jaamacadda Azhar ka dhiga Fiqhiga, uu ka jeediyay taleefishin laga leeyahay waddanka Masar, oo uu ku caddeeyay in “eyga uu daahir yahay ayna bannaan tahay in guryaha lagu xannaanaysto” ayaa muran xooggan waxa uu ka dhaliyay baraha ay bulshada ku wada xiriiraan.

Muxuu yiri Kariimah?

Doodda ayaa waxa ay billaabatay kaddib markii Axmed Kariimah uu u jawaabay qof la socday hadalka uu taleefishinka ka jeedinayay markaas oo la waydiiyay: “Muxuusan eyga Ahlul Kahf ula gelin godka oo uu bannaanka u seexday?”

Markaas oo Kariimah uu ku jawaabay: “Shaqada eygii la socday Ahlul Kahf waxa ay aheyd ilaalinta raggaas, eyga ilaalada ahna caadiyan waxa uu fariistaa albaabka, taasna waxa ay caddayn u tahay in asal ahaanba uusan eygu nijaaso ahayn, hadalkaasna waa midkii uu yiri Imaam Maalik bin Anas, sababtoo ah waxaa jirtay qaacido uu isticmaalo oo aheyd in wax walba oo nool uu xalaal yahay, nijaasaduna ma ahan mid asal ah ee waa wax kor ka yimid, marka asal ahaan waxa uu Allaah abuuray waa daahir.” Kariimah ayaa sidaasi ku ayiday hadalka Imaam Maalik.

Kariimah ayaa caddeeyay in “Marka waxaa halkaas ka cad in la buunbuuniyay arrinta daahirnimada eyga, iyo inuu eygu kamid yahay waxyaabaha uu Allaah abuuray, Ilaahayna uusan abuurin wax nijaaso ah.

Waxa uu tilmaamay Kariimah, in “Nijaasada eyga ay timaado marka dhareerkiisa uu qofku gaara oo kaliya, oo wax dhihbaato ah malahan marka uu qofka bini’aadamka ahi uu taabto jirkiisa ama uu ey guriga ku xannaanaysto.”

Kariimah ayaa tusaale ahaan u soo qaatay in eyga baadiyaha jooga uu dadka ku dhexjiro oo uu guryaha galo, isagoo caddeeyay in “aanay wax dhib ah lahayn in bini’aadamku uu ey dhaqdo.”

Kariimah ayaa sidoo kale ka hadlay “daahirnimada doofaarka” waxaana uu ka soo guuriyay Imaam Maalik bin Anas hadal uu yiri oo ahaa in “Doofaarka laf ahaantiisa uu yahay xayawaan daahir ah, laakiin hilibkiisa uu xaaraam yahay”, waxaana uu caddeeyay in “Doofaarku uu daahir yahay caadiyan iyo jir ahaanba, sababtoo ah Ilaahay ma abuurin wax nijaaso ah.”

Weerar lagu qaaday Kariimah

Dadka isticmaala barta Twitterka ayaa ku kala qeybsamay hadalka Kariimah, oo waxaa jira kuwo ku raacay hadalkiisa iyagoo soo xiganaya mad-habka Maalikiga, halka ay jireen kuwa kale oo eyga u arka inuusan daahir ahayn iyagoo soo xiganaya mad-habka Xanbaliga.

Qaar kamid ah dadka Twitterka isticmaala ayaa hadalka Axmed Kariimah waxa ay ku tilmaameen mid “khalad ah” oo “wax cusub ah”.

Qaar kale ayaa iska fogeeyay in eygu uu daahir yahay sida uu Kariimah sheegay.

Halka ay jiraan dad kale oo tilmaamay in arrintaasi aanay ahayn ra’yi uu leeyahay shakhsi gaar ah sida Axmed Karaamah, balse uu ka soo guuriyay shareecada iyo fiqhiga Islaamka.

Culimada diinta: Khilaaf ka taagan in eygu uu nijaaso yahay

Xilliga ay dadka Twitterka isticmaala ayideen hadalka Dr Axmed Kariimah, ayaa Dr Cabbaas Showmaan, oo ah madaxa Fatwada ee Jaamacadda Azhar, waxa uu BBC-da u sheegay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya culimada oo ku saabsan arrinta daahirnimda eyda.

Showmaan ayaa waxa uu tilmaamay in ay jiraan saddex aragti oo ay suuragal tahay in la soo qaato: waa midda koobaadee waa in eygu uu daahir yahay iyadoo la soo xiganayo ra’yiga Maaliki, hasayeeshee ra’yigaasi waxa uu ku habboonyahay askarta booliska ee eyga u adeegsada inay ogaadaan mukhaadaraadka iyo waxyaabaha qarxa. Waxaana uu intaasi ku daray in “ra’yigaas lagu koobi karo xaaladdaas, waxaa kaloo la mid ah xanaanaynta ey-yada guryaha lagu dhaqdo ee loo adeegsado ilaalada iyo ugaarsiga, laakiin arrintaas ma soo galayso in ey la isaga haysto guryaha, sababtoo ah ra’yiga Imaam Maaliki waxaa ka hor imanaya ra’yiga Imaam Xambal, kaas oo u arka in eyga uu nijaaso yahay guud ahaanba, sidaas daraadeedna aanay munaasab ahayn in guryaha lagu dhaqdo.

Showmaan ayaa qeexay in “xaaladkasta ay leedahay fatwadeeda ugaarka ah” isagoo carrabka ku adkeeyay in “fuqahada ay isku khilaafeen daahirnimada eyga laakiin inta badan fuqahadaasi ay isku raacsan yihiin inay nijaaso tahay in la ciyaarsiiyo,” dhanka kalana “qofka aanan awoodin inuu iska ilaaliyo carrabka eyga iyo inuu ka ilaaliyo in eyga uu taabto alaabta guryaha taal waxaa qasab ku ah inuusan guriga ku xannaanaysan ey.”

Hasayeeshee Showmaan ayaa waxa uu ku adkaystay in doofaarka “uu nijaaso yahay, cunistiisa ay xaaraan tahay, aysanna bannaanayn in la soo iibsado iyo in la cunaba”, arrintaas waa wax ay isku wada raacsan yihiin culimada fiqhiga Islaamka.

BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here