Burbur xooggan ayaa soogaaray waddada xiriira Gaarisa iyo Modogashe ee mashruuca dhismaheeda ay qaadatay shirkad ka diiwaangashay Shiinaha kaddib markii roobab mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay daadadka ka dhashay ay qodeen.
Sawirro laga soo qaaday oo lasoo dhigay Baraha Bulshada waxaa ka muuqda burbur xooggan oo soo gaaray qaybo kamid ah waddadaas halka godod waaweyn ay ka qodmeen bartamaha iyo hareeraha laamiga
Dhismaha laamigaan ee shaqadiisu qaadatay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee loosoo gaabiyo (CSCEC) waxa uu ahaa mid loogu talagalay in Dadka deegaanka ay helaan marin wanaagsan oo socodka u fududeynaya.
Weli ma jiro war kasoo baxay Maamullada Gaarisa & Modogashe oo ay uga hadlayaan dhacdadaan maadaama shirkadda shiineeska ah laga doonayo in ay dib u dhis ku sameyso laamigaan qaybo kamid ah ka burburay.