Maleeshiyada Maxaliga ee Daacish-ta dalka Afghanistan ee loo yaqaano ISIS Khorasan ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen Weerarkii Is-qarxinta ahaa ee shalay galab ka dhacay afaafka hore ee Dhismaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Kabul.

Qoraal ay Kooxda Daacish-ta Afghanistan soo dhigeen Wakaalladooda Wararka ee AMAQ iyo bartooda Telegram waxay ku sheegeen in Qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan 20 qof oo ay ku jireen dhowr shaqaale Diplomasiyadeed (several Diplomatic employees).

Balse, Afhayeenka Boliska magaalladda Kabul, Khaalid Zadran waxa uu sheegay inay 5 qof oo Rayid ahaa ku geeriyoodeen Qaraxaasi, halka ay dhowr kalena ku dhaawacmeen.

Qalinka: @Ustaad Nuradin Page