Dhamaanteen waxaan ognahay in waxa uu qofku afka ka cuno ay saamayn ku yeelan karaan caafimadkiisa, laakin marnaba ma fekertay sida waxa aad cunto ama aa cabto ay u saamaynayaan ilakahaaga iyo cirridkaaga?

Wax ka ogow sagaalka waxyaabood ee u daran caafimaadka afkaaga, iyo sida loola diriri karo inay dhaawac u gaystaan afkaaga.

Nacnaca iyo cunnada sokorta badan

Dadka macaanka ay ilkahoodu ku xanuunsadaan , waxaa muhiim ah inay iska ilaaliyaan nacnaca, keegga, iyo dheecaannada macaanka badan, kuwaasoo dhib gaarsiin kara ilkaha iyo cirridka.

Waxyaabaha macaanku ku badan yahay waxay dhakhaatiirtu sheegeen in ay kak dhalato bakteeriya, taasoo horseedda in ilkaha iyo cirridku jirradaan.

Waxyaabaha ay ka midka yihiin Karamelka, nacnac qoriga iyo nacnaca aadka u adag way ugu sii daran yihiin, waayo muddo dheer ayey afka baaqi ku sii ahaan karaan, mana aha kuwo candhuuftu ay si shlan u nadiifin karto.

Haddii aadan ka joogi karin macmacaanka, waxay dhakhaatiirtu ku talinayaan in la cuno xilliyada cunnada ka dambeeya, ee aan la cunin cuntooyinka dhexdooda, waxaana muhiim ah in la xusuusnaado cabitaanka biyo aad u badan mar ka uu qofku cuno macmacaan ama haddii ay suurtogal tahay uu cadaydo.

Cabitaanka fudud

Waxaa laga yaaba in aad u qaadato in cabitaanka fudud sida kuwa sokorta aan lahayn aysan dhibaato lahayn, laakinse cabitaannadaas waxaa ku jira aasidh dhibaatou gaysan kara dheeha ilkaha.

Waxaa wanaagsan sida ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in haddiiba aad cabayso Soodha in aad sugto 30 daqiiqo ugu yaraan inta aadan cadayan bacdamaa aasidhka uu ilkaha burburiyo.

Kafeega iyo Shaaha

Maadada kafeyiinka waa mid qabatin leh, dadka badankoodna waxay kuu sheegayaan in ugu yaraan halk koob oo kafee ama shaah ah lagu bilaabi karo arroortii in qac laga siiyo.

Halkaa marka laga eego uma darna ilkaha, haddiise sokor lagu darsanayo taasi waxay dhaawacaysaa ilkaha iyo cirridka.

Dhanka kale, haddii qofku uu maalintii cabo dhowr koob oo kafee ama shaah ah waxay bed eli karaan midabka ilkaha, waxayna qallajin karaan afka. Waxaa muhiim ah in qofku uu sokorta ka waantoobo, uuna biyo badan cabo.

Cabitaannada ciyaartoyda.

Marka u qofku jimicsi sameeyo, waxay dadka qaar cabaan cabitaanno loogu tala galay dadka cayaara, laakinse cabitaannadaas waxaa ku badan aashidhka, taana waxay keenaysaa in dareerahaas uu ku dhego ilkaha, uuna haysto in muddo ah.

Waxaa ka haboon in qofku ku beddesho biyo caadi ah.

Miraha macaan iyo casiirka

Miraha macaan iyo casiirka la miiro waa cuntooyin caafimaad ku jiro, hase yeeshee waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in marka aad cunto ama aad cunto mirahaas macaan sida liinta iyo burtuqaalka in aashidhka ku jira uu dhaawici karo dheeha ilkaha.

Taa markay dhacdo waxay ilkuhu u nuglaanayaan bakteeriyada iyo jirrooyinka. Marka casiir la cabayo waxaa haboon in qofku uu tubo ku dhuuqo, si aashidhka badankiis uu u dhaafo ilkaha.

Sidii aan horeba u soo xusnay, dhakhaatiirtu waxay ku talinayaan in la sugo 30 daqiiqo ka hor inta aadan cadayan ilakaha.

Suugada Baastada

Yaanyada ama tamaandhada way wanaagsan tahay, laakin wa muhiim in qofku ogaado in ay wadato aasidh.

Marka aad baastada ku darsato suugo yaanyo ka samaysan, waxay burburinaysaa dheeha ilkaha, ka dibna karbo haydaraytka ayaa keenaysa in bakteeriyada ay sababto in lkuhu jirradaan.

Furuutka la qallajiyo

In badan oo naga mid ah waxay cunaan furuut la qallajiyey oo ay u cunaan cunto caafimaadka u wanaagsan.

Furuutka la qallajiyo uma roona ilkaha, waxaana aad ugu badan sokorta iyo maadooyinka ilkaha ku dhega.

Labadaas arrimoodba waxay horseedaan in ilkuhu jirradaan. Taa micnaheedu maaha in aan lacuni, waxaa habboon in qofku si miisaan leh uu u cuno, ilkahana uu cadaydo.

Barafka

Barafku waa biyo la fariisiyey, laakin dhibaato weyn u gaysan kara ilkahaaga iyo cirridkaba.

Inla ruugo wax aad u adag sida barafka waxay xataa ilkaha u gaysan karaan dhaawac uu qofku dhakhtarka u cararo. Dhakhaatiirtu waxay ku talinayaan in la cabo biyo, la iskana yareeyo isticmaalka barafka.

BBC

Share.

Leave A Reply