Cuntooyinka mustaqbalka: Cuntooyinka la isticmaali doono marka la gaaro sanadka 2050

22

Cilmibaarayaasha qaabilsan arrimaha seyniska ayaa diyaariyay liis ay ku jiraan cuntooyin aan la aqoon oo la sheegay in dunida laga isticmaali doono marka la gaaro sanadka 2050-ka.

Mustaqbalka, waxaad ku quraacan kartaa nooc kamid ah mooska loogu magac daray ‘Enset’ ama waxaad cuni doontaa miro geedaha qaar oo aan haatan wax badan laga aqoon.

Dagaalka Ukraine waxa uu iftiimiyay halista ka imaan karta in lagu tiirsanaado oo kaliya ah dalagyo yar oo caalami ah kuwaas oo laga ganacsado.

Isbaddalada cimilada ayaa hosreeday in cunto gabaabsiga ka jirta meelaha iyadoo dalagyadii la beeri jirnay ay saameeyeen isbaddalada cimilada, waxaana sareu kacay qiimaha cuntooyinka qutul duruuriga ah.

In la helo cuntooyin kala duwan waxay xal u noqon kartaa ka hortagga gaajada iyo in wax laga qabto dhibaaooyinka ka dhasha saameynta xun ee isbaddalada cimilada, ayuu yiri Dr Sam Pirinon oo ah cilmi baare ka tirsan macadka qaabilsan cilmiga geedaha ee Kew ee ku yaalla London.

“Waan ognahay in ay jiraan kumanaan nooc oo dhir ah oo la cuni karo oo adduunka oo dhan laga heli karo kuwaas oo ay cunaan dadyow kala duwan, waana halka aan ka heli karno, waa tallaabada lagu xallin karo dhibaatooyinka mustaqbalka,” ayuu yiri.

Iyadoo in ka badan 7,000 geed laga heli karo dunida kuwaas la cuni karo, waxaa haatan guryaha lagu isticmaalaa 417 oo kaliya ah.

Geedka la yiraahdo pandanus

Pandanus (Pandanus tectorius) waa geed yar oo ka baxa dhulka xeebaha ah laga bilaabo Jasiiradaha Baasifiga ilaa Filibiin. Caleemahiisa waxaa loo isticmaalaa in lagu macaaneeyo cuntada guud ahaan inta badan Koonfur-bari Asia, halka mirahiisa la cuni karo iyagoo ceyriin ah ama iyagoo la kariyay.

Geedku wuxuu mid ku noolaan karo dhulka qallalan ama dhulka qabow, dabeylaha xooggan, abaaraha, ayay tiri Dr Marybel Soto Gomez. oo ah cilmi-baare ka tirsan macadka Kew.

“Waa cunto adkaysi u leh cimilada iyo cunto nafaqo leh oo weliba macaan,” ayay tiri. “Waxay ahaan lahayd wax aad u wanaagsan in la helo cuntooyin kala duwan oo dhaqan ahaan, nafaqo leh, oo lagu abuuri karo dhulalka qallallan ee adduunka”

Digirta

Digirta, waa “cuntada mustaqbalka” waa mid raqiis ah oo laga helo borotiinno iyo fiitamiin B, Digirta waxaa lagu beeri karaa dhul kala duwan sida xeebaha iyo goobah aku teedsan buuraha.

Aduunka waxaa laga helaa 20,000 nooc oo digir ah, laakiin noocyadaas wax yar ayaan ka isticmaalnaa, Waxaa loo malaynayaa inay jiraan boqollaal digir oo aysan garan saynisyahannadu.

Digirta nooca loo yaqaan morama (Tylisema esculentum) waa si weyn looga isticmaalaa dalalka Botswana, Namibia iyo Koonfur Afrika, halkaas oo digirta lagu darsado galley ama lagu shiilo budo si looga sameeyo boorash ama cabitaan u eg kookaha.

Haruurka ka baxa keymaha

Haruurkan wuxuu u kala baxaa in ka badan 10,000 nooc-waxaa uu horseedaa fursado badan oo dhanka cuntada ah.

Fonio (Digitaria exilis) waa firiley Afrikaan ah oo nafaqo leh oo loo isticmaalo samaynta couscous, boorash iyo cabitaan. Lagu beero gudaha sida dalagga, geedka wuxuu u dulqaadan karaa xaaladaha qalalan.

Fonio (Digitaria exilis)- haruurka noocan wuxuu ka baxaa Afrika, waxaana laga sameeyaa boorash iyo cabitaan, dalaggan waa mid adkeysi u leh dhulka qallalan.

Nooc kamid ah mooska

Mooska nooca loo yaqaanno Enset-waxaa si weyn looga isticmaalaa qeybo kamid ah dalka Itoobiya.

Miraha geedka mooska oo kale waa mid aan la cuni karin, laakiin jirriddiisaa iyo xididdada waa la khamiirin karaa, waxaana loo isticmaali karaa in lagu sameeyo boorash iyo rooti.

Daraasaduha waxay soo jeedinayaan in dalagga mooskan u eg uu awood u leeyahay inuu quudiyo in ka badan 100 milyan oo qof oo ku nool dhulka

BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here