(Cumar Filish) ayaa maalintii labaad ka qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

142

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maalintii labaad ka qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu Shir Guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Shirkaan oo ka socda Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee (Villa Somalia) ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hir-Shabeelle, Galmudug, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

 

Kulankii Maanta ayaa diirada lagu saaray xaaladda abaaraha dalka, iyadoona warbixin looga dhageystay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here