Culimada Soomaaliyeed oo Warsaxaafadeed ka soo saaray dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa ku baaqay in dagaalka si degdeg ah loo joojiyo, iyaga oo labada dhinac ugu baaqay in arrimaha taagan ay ku dhameeyaan Nabad.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Culimada Soomaaliya oo Warbaahinta la wadaagay Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu horreyn sheegay in Culimada ay ka xunyihiin dagaalka ka socda Magaalada Laascooneed, kana tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku dhintay dagaalka inta uu socday.
Sidoo kale Culimada ayaa ku baaqay in Alle laga baqo, dadkane loo turo, iyaga oo ugu baaqay dhammaan dhinaycada ku dagaalamaya Magaalada Laascaanood in arrimaha taagan ay ku dhammeeyaan isqancin, kana foogaadaan wax kasta oo keeni kara colaad iyo dhiig dambe oo daata.
Dhanka kale Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Culilmada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Dowladaha iyo cid kasta oo kaalin ka geesan karta in ay kaalintooda ka qaataan sidii loo xalin lahaa mushkiladda iyo khilaafka taagan.
Ugu dambeyn Culimada ayaa uga digay Ummadda Soomaaliyeed in Baraha Bulshada lagu buun buuniyo colaadda ka taagan Magaalada Laascaanood, sidoo kale waxa ay ka dhawaajiyeen in gurmad lala gaaro dadkii ku barakacay colaadda Magaalada Laascaanood.
Baaqa ka soo baxay Culimada Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka ka socda Gobolka Sool uu galay maalintiisii todobaad, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidan taabacsan Xukuumadda Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi Cabdi iyo kuwa garab ka helaya dadka deegaanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sool in ay wada heshiiyaan, wax waliba oo la kala tabanaya lagu xaliyo miiska wada hadalka, iyada oo DFS ay sheegtay in ay ilaalineyso midnimada Ummadda Soomaaliyeed.