Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Culimada Somaliland oo war culus kasoo saaray dagaalka ka socda Laascaanood
    Gudaha

    Culimada Somaliland oo war culus kasoo saaray dagaalka ka socda Laascaanood

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 13, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo galay maalintii 8-aad.

    Culimada ayaa waxay ku baaqeen in deg deg loo joojiyo dagaalka Laascaanood, islamarkaana miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, ayada oo dhinacyadu ka wada-xaajoonaya wixii khilaaf iyo tabasho jira.

    Sidoo kale waxay taageereen adkaynta iyo hirgalinta xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland, iyaga oo xusay in dagaalka aan laga faa’iidin khasaare mooyaane.

    Waxay sheegeen in dhiiga qofka muslimka ah oo la daadiyaa uu xaaraan yahay gaar ahaan bilahan aynu ku jirno oo ah bilihii xurmada lahaa, “Culimadu waxay xasuusinayaan labada dhinac in dhiiga muslinka oo la daadiyaa uu xaaraan yahay, iyada oo lagu jiro bilihii xurmada lahaa ee Rajab.”

    Culimada ayaa waxa kale oo ay bahda warbaahinta iyo dadka baraha bulshada isticmaala ugu baaqeen in ay Alle ka cabsadaan oo ay iska hubsadaan wararka ay faafinayaan, ayna ka baaqsadaan hurinta collaada, sida lagu yiri baaqa culimada.

    “Culimadu waxay diyaar u yihiin inay kaalin mug leh ka qaatan daminta iyo nabadeynta dadka walaalaha ah. Culimada waxay ugu baaqayaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan samafalka iyo taakuleynta walaalaha dhibaatada kasoo gaartay colaada Laascaanood waxayna diyaar u yihiin inay kaalintooda ka qaatan.”

    Sidoo kale waxay qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay ka qeyb-qaatan adkaynta nabada, iyagoo xusay in ay ka culimo ahaan diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan daminta collaada ka taagan Laascaanood.

    Ugu dambeyntiina waxay sheegeen in dadka reer Somaliland yihiin dad walaalo ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in la joojiyo dagaalka, si aysan cid dambe ugu dhiman.

    Bayaanka culimada Somaliland ayaa imanaya, iyada oo burburtay xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland, waxaana weli Laascaanood ka socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

    Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac ay helayaan gurmadyo xoogan, taasi oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWararkii ugu dambeeyay ee dagaalka dalka Ukraine
    Next Article Jabuuti oo war rasmi kasoo saartay arrinta Laascaanood, beenisay arrimo la faafiyey

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Tirada Shabaabka Weeraray xarunta Gobolka Banaadir oo la ogaaday iyo Rasaas wali socota

    January 22, 2023

    Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir,…

    Akhriso:- Bandhiggii Fannaanadda Beyoncé ee Dubai oo hadal-heyn weyn dhaliyay iyo muuqaal la faafiyay

    January 23, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.