Hoggaamiyaha Xulka Qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ee koox la’aanta heysatay tan iyo markii ay fasaxday Kooxdiisii hore ee Manchester United intii lagu mashquulsanaa Koobka Adduunka 2022 ayaa ugu dambeyn koox yeeshay kaddib markii uu heshiis labo sano iyo bar ah uu la galay Kooxda Sacuudiga ee Al-Nassr.

Ronaldo ayaa kooxdiisa cusub ka qaadan doonna lacag ka badan (€200 M) Milyan oo Yuuro oo u dhiganta ($214.04) ‘Labo boqol, toban & afar, dhibic & afar Doollar’ muddada uu kooxdaan katirsan yahay ee heshiiskiisa ku siman yahay.

Cristiano Ronaldo oo 37 jir xulkiisa uga tagay niyad-jab kaddib markii uu ku guuldareystay ku guuleysiga Koobka Adduunka ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa sidii uu u jiheyn lahaa mustaqbalkiisa.

Waxa uu xirtay nambarka uu jecel yahay Xul & Koox ee 7aad, Madaxweynaha Kooxda Kubadda Cagta ee Al-Nassr FC Musalli Almuammar ayaa soo bandhigay ciyaaryahankaan muddooyinkii dambe aad loo hadal hayay in uu kooxdaan heshiis la galay.

Ronaldo oo ka hadlay ku biirista Kooxdiisa cusub ayaa rajeeyay in uu wax badan kusoo kordhin doonno kooxda inta uu xiran yahay funaannadeeda isaga oo sheegay in uu goolashiisa, bandhiggiisa & guulihiisa uu sii joogteyn doonno.

“Waxa aan rajeynayaa in aan ku biiro saaxiibadeyda cusub oo aan si wadajir ah u caawiyo kooxda si ay guulo u gaarto” ayuu yiri Ciyaaryahanka 5ta jeer heysta Ballon D’or ee Cristiano Ronaldo.

2002–2003 ayuu kubadda Cagta kasoo billaabay Kooxda reer Portugal ee Sporting CP (B) labo kulan uu u dheelay wax gool ah uma dhalin, isla sanadkaan waxaa loo dalacsiiyay kooxdaas qaybta heerka koowaad ah oo 25 safasho u dhaliyay saddex Gool.

Kaddib waxa uu u wareegay Kooxdii dhowaan fasaxday ee Manchester United ee ka dhisan (England), 2003–2009 ayu xirnaa funaanadda kooxdaas, 196 safasho u dhaliyay (84 Gool), Kooxda Real Madrid ee Spain ayuu u hayaamay 2009kii, illaa 2018 ayuu katirsanaa, 292 kulan safasho waxa uu shabaqa kusoo taabtay (311 Gool).

2018–2021 waxa uu katirsanaa Kooxda Talyaaniga ah ee Juventus, waxaana uu u saftay 98 kulan oo uu ku dhaliyay (81 Gool), si lama filaan ah oo uu uga tagay waxa uu dib ugu laabtay Kooxdiisii hore ee Man UTD xilli la hadal hayay in uu ku biirayo kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City, muddada uu kooxdaas joogay oo ah 2021–2022 waxa uu Manchester u saftay 40 kulan waxa uu ku dhaliyay (19 Gool).