Cilmi-baaris war naxdin leh u wadda doobabka iyo garoobbada

156

Dadka guursaday waxay u badan tahay inysan u dhiman wadno xanuun marka la barbar dhigo kuwa doobabka ah, sida ku cad cilmi-baaris cusub. Cilmi-baarayaashu waxay arruuriyeen xogta 34 daraasadood oo hore oo ay ku lug lahaayeen in ka badan laba milyan oo qof.

Waxay ogaadeen iyagoo barbardhigaya dadka guursaday in dadka kala tagay, kuwa laga dhintay ama aan waligood guursanin ay 42 boqolkiiba u dhow yihiin inay qaadaan cudurrada wadnaha,iyadoo sidoo kale 16 boqolkiiba ay aad ugu dhowdahay inay qaadaan cudurrada halbowlaha wadnaha ku dhaca.

Dadka aan guursan ayaa sidoo kale boqolkiiba 43 aad ugu dhow inay u dhintaan cudurrada wadnaha halka 55 boqolkiiba ay aad ugu dhowdahay inay u dhintaan faalugga, sida lagu sheegay cilmi-baarista ay sameeysay majaladda Heart.

Inkastoo cilmi-baarista aan lagu faah-faahin sida guurku u caawin karo hagaajinta caafimaadka wadnaha, haddana waxaa jira sababo badan oo guurka laga yaabo inuu yeesho saameyn ilaalin ah oo ay ku jiraan xasillooni dhaqaale oo dheeraad ah iyo taageero bulsho, ayuu yiri qoraaga sare ee daraasadda Dr. Mamas Mamas oo ka tirsan Jaamacadda Keele ee UK.

Tusaale ahaan waxaa la ogsoonyahay in bukaannadu ay qaataan dawoooyinka muhiimka ah sida kuwa wadne xanuunka qaba ama faalugga oo ay cadaadis isku saaraan qaadashada dawooyinka haddii ay lamaane yihiin ,” ayuu yiri Dr Mamas.

Dr Mamas wuxuu intaa raaciyay in haddii haweenaydu nin leedahay ama ninku xaas leeyahay ay keeni karto amba laga yaabo inay ka caawiso bukaanada inay gartaan xilli hore calaamadaha cudurada wadnaha ama bilawga wadne xanuunka, .

Guurku maaha saadaalinta ugu weyn ee cudurka wadnaha, si kastaba ha ahaatee. Sababaha khatarta ah ee caanka ah sida da’da, jinsiga, dhiig karka, kolestaroolka oo sarreeya, sigaarka iyo sonkorowga ama macaanka ayaa ah qiyaastii 80 boqolkiiba khatarta, cilmi-baarayaashu xuseen.

Dhammaan daraasadaha falanqaynta hadda la sameeyay ayaa la daabacay intii u dhaxaysay 1963 iyo 2015-kii waxaana ku jiray dad da’doodu u dhaxayso 42 ilaa 77 oo ka yimid waddamada Yurub, waqooyiga Mareykanka,Bariga Dhexe, iyo Aasiya.

Furriinka ayaa lala xiriiriyay 33 boqolkiiba sare u kaca dhimashada cudurrada wadnaha iyo in ka badan labanlaab khatarta dhimashada, istaroogga ama faalugga, sida daraasaddu ogaatay . Ragga iyo dumarka is fura ayaa sidoo kale 35 boqolkiiba u dhow inay ku dhacaan cudurrada wadnaha marka loo eego dadka is qaba.

Dhanka kale, dumarka laga dhintay ayaa 16 boqolkiiba ay uga dhowdahay inuu ku dhaco xanuunka faalugga marka loo eego lammaanaha isqaba, laakiin uma muuqato arrintaasi in ay tahay mid kordhin karta wadne xanuunka.

Inkasta oo cilmi-baaris hore ay guurka ku xiriirisay natiijooyin wanaagsan oo loogu talagalay bukaannada qaba dhibaatooyinka wadnaha,haddana daraasaddan waxay bixisaa caddayn cusub oo ah khatarta dadka aan guursan sababo kala duwan, ayuu yiri Brian Chin, cilmi-baare aqoon u leh cilmi-nafsiga kana tirsan Jaamacadda Carnegie Mellon ee Pittsburgh, Pennsylvania,wuxuuna qayb ka yahay dadka daraasaddan wax ka sameeyay.

“Marka la eego in daraasaddii hore ay soo jeedisay in faa’iidooyinka caafimaad ee guurka ay si weyn uga xoog badan yihiin ragga marka loo eego dumarka, waxay si gaar ah ula yaabtay in daraasaddan lagu ogaaday in aysan jirin wax farqi ah oo u dhexeeya ragga iyo dumarka sida xaaladda guurka ay u saameysay khatarta cudurrada wadnaha iyo xididdada,” Chin ayaa sidaasi yiri.

Xiriirka ragga iyo dumarka ayaa laga yaabaa inuu weli door ka ciyaaro natiijooyinka kala duwan ee bukaanada isqaba iyo kuwa aan guursan, Dr. Stefania Basili oo ka tirsan Jaamacadda Sapienza ee Rome iyo koox saaxiibbadii ah ayaa arrintaasi wax ka qoray:-“Qodobo badan oo hab-dhaqanka ah, hababka cilmi-nafsiga, iyo arrimaha shakhsi ahaaneed iyo dhaqameed waxay abuuri karaan, xakameyn karaan ama kordhin karaan kala duwanaanshaha cudurada wadnaha,” waa sida ay qabaan Basili iyo asxaabtiisa .

Balse mar walba waxaa la muujinayaa in wax walba aan lagu jaangoyn karin warbixinta daraasaddan.Waxaa suurtagal ah in dadka kali-noolka ah ama doobabka ah aysan u daryeelin caafimaadka wadnaha sida shakhsiyaadka is qaba ay arrintaa muhiimadda u siiyaan. ayuu dr Mamas raaciyay hadalkiisa.

Daraasaddaan ayaa kula talinaysa lamaanayaasha in si wada jir ah ay u sameeyaan jimcisi iyo wax kasta oo qofka u keeni kara caafimaad jireed iyo mid maskaxeed intaba.Sidoo kale jimcisiga sida wada jirka ah loo sameeyo wuxuu wanaajiyaa xiriirka iyo kalsoonida lamaanaha sida lagu xusay warbixintaan

BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here