Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay koox ku eedeysan in ay dil iyo dhaawac ka soo geysteen magaalada Garowe ee Gobolka Nugaale ee Dowladda Gobaleedka Puntland, iyada oo la sheegay in raggaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyaga oo baxsad ah.

Warka ka soo baxay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Kooxdaan ay ka kooban yihiin saddex rag ah, kuwaas oo ku eedeysan dilka muwaadin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani iyo dhaawaca Hanad Xasan Cawil. Sida lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka Muqdisho.

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo horay loogu soo gudbiyay xogta eedeeysanyaashaan ayaa xalay labo kamid ah raggaan ka soo qabtay guri ku yaalla degmada Shibis, halka midka kale laga soo qabtay degmada Xamar-Jajab. Ayaa lagu siiyiri qoraalka ka soo baxay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Magaalooyinka Dalka iyo Qaar ka mid ah Gobollada Dalka waxaa waayadii dambe ku soo badanaya dilalka loo geesanay dadka shacabka ah, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in cadaaladda la horgeyn doona cid kasta oo dil geesata