HomeMogadishuCiidamo katirsan Dowladda Federaalka oo dhimasho & dhaawac kasoo gaaray Qarax lagula...

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo dhimasho & dhaawac kasoo gaaray Qarax lagula eegtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Faah-faahin ayaa laga helayaa qarax maanta lala eegtay Gaari Ciidan oo ah nooca dul bannaanka ah ee loo yaqaan qooqanta (Toyota Hilux) oo mararay laamiga dheex ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen tiro intaas ka badan kaddib markii gaariga ay la socdeen ay haleeshay Miino loo dhigay sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Askartaan qaraxa haleelay ayaa la sheegay in ay ilaalo u ahaayeen shaqaale ka shaqeeya Xerada Dayniile oo dhismo uu ka socdo, askarta dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka si daryeel ay u helaan.

Xeradaan dhismaha lagu sameynayo ayaa loogu talagalay in lagu tababaro Ciidamo cusub oo ay qoraneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la qorsheeyay in lagu biiriyo qaybaha kala duwan ee Ciidamada.

Weli wax war ah kama soo bixin Dowladda Federaalka iyo Maamulka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, Ciidamada ammaanka oo goobta tegay ayaa billaabay howlgallo ay ku ogaanayaan qaraxaas iyo dadka ay ku tuhmayaan.

La soco wixii kasoo kordha.

Must Read

spot_img