Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada
Odoyaasha la xeray oo dhan 6-oday ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin kooxda AS oo ay dowladda dagaal kula jirto.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa ku warramaya in howlgal qorsheeysan oo ciidamada guutada 5-aad ka fuliyeen deegaan ku dhow degmada Halgan, waxaana maanta la keenay magaalada Beledweyne iyaga oo xabsiga durba loo taxaabay.
Odayaasha ciidamada dowladda soo qabteen ayaa dhawaan tagay deegaanno AS maamulaan oo dhaca galbeedka Beledweyne, iyaga oo mar-marsiyo ka dhiganayo dhaqan aysan ku matalin reeraha aay sheegeen in heshiiska AS la galeen aay ku mataleen.
Lama oga in Odayaashaasi lagu maxkamadeyn doono magaalada Beledweyne iyo in loo qaadi doono magaalada Muqdisho si loo saaro maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Dhawaan ayeey aheyd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xukun ku riday Odayaal AS heshiis kula galay Xarardheere, madama dowladda Soomaaliya joojisay in lala macaamilo kooxda AS